CIidanka Dawladda Oo Ka Baxay Deegaanka Bariirre

Wararka aan saakay ka heleyno deegaanka Bariirre ee gobolka Shabeellaha Hoose Koonfurta Soomaaliya waxa ay sheegayaan in ciidamadii militeriga dawladda ee kusugnaa deegaankaas ay iskaga baxeen oo ay faarujiyeen deegaankaas.

Kooxda Alshabaab ayaa si fudud ula wareegtay gacan ku heynta deegaankan oo kamid kuwii ugu saameynta badnaa deegaannada Shabeellaha Hoose bilihii lasoo dhaafay.

Todobaadkii hore ayeey ahayd markii Taliyihii ciidanka qalabka Sida Soomaaliya Jeneraal Cirfiid oo is casilay uu booqday deegaankaas.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ay ciidanka dawladda iskaga baxeen deegaankaas, balse waxaa loo maleeyaa in ay ka dambeeyaan siyaasiyiinta iyo saraakiisha kasoo jeeda beesha Habar Gidir kuwaas oo beryihii lasoo dhaafay nux nux hoose ka waday halkaas, maadaama ciidanka halkaas jooga ay inta badan yihiin kuwa kasoo jeeda beeshaas.

Si kastaba ha ahaatee kooxda Alshabaab ayaa sheegatay in ay la wareegeen deegaanka Bariirre, iyadoo ciidankii kusugnaana ay qabteen dhanka iyo saldhigga Laanta buurro iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.