António Guterres oo markii ugu horeysay ka hadlay Khilaafka dowladda iyo Maamul Goboleedyada?

Xoghayaha guud ee qaramada midoobey António Guterres ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamulada dalka ka jira in ay ka wadahadlaan Qeybsiga Awoodaha.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in dowladda Soomaaliya iyo maamulada ay si wanaagsan u qeybsadaan ,islamarkaana ay ka wada hadlaan qeybsiga awoodaha, dakhliga iyo kheyraadka.

Xoghayaha ayaa sidoo kale tilmaamay in uu ugu baaqayo maamulada iyo dowladda Dhexe in waxwalba la dhameeyo ,islamarkaana horay loo socdo maadaama ay wali Soomaaliya ka taagan tahay dhibaatooyin ay sababtay Abaartii dalka ku dhufatay.

António Guterres Waxaa uu carabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay   in laga wada hadlo arrimaha federaalka ah sida  awood-qeybsiga, heshiisyada la xiriira dakhliga gudaha iyo sida loo qeybsanayo Kheyraadka.

Waxaa uu xusay in wali Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan degaano badan , oo dalka ka mid ah ,islamarkaana ay adag tahay in dadkaasi gargaar la gaarsiiyo oo uu sheegay in ay kunool yihiin Xaalad adag.

Hadalka Xoghayaha Guud ayaa kusoo beegmaya xilli uu jiro Khilaaf u dhaxeeya Madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyadda.