FIIRSO: Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele Cali Guudlaawe oo Jowhar dib ugu soo laabtay”

Madaxweyne ku xigeeenka maamulka Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar xarunta maamulka Hirshabelle  kadib markii uu booqasho ugu maqnaa magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho.

Wafdiga uu horkacayay Mudane Cali Guudlaawe Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ku soo dhoweeyay wasiiro,xildhibanao ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle, mas’uuliyiin maamulka degmada Jowhar iyo kan gobolka Sh/dhexe iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa intii uu ka maqnaa xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle waxa uu ka qeybgalay munaasabad lagu wareejinayay dowlad goboleedka Hirshablle gaadiid ay ciidamada Booliska ku howlgalayaan.

Cali Cabdulaahi Xuseen Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle ayaa u mahadceliyay dadkii ka soo qeybgalay soo dhoweyntiisa waxana uu ugu baaqay shacabka dowlad goboleedka Hirshabelle inay u diyaargaroobaan munaasabada caleema saarka Madaxweynaha oo ka dhici doonta magaalada Jowhar 16ka bishan oo ku beegan maalinta Isniinta.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelel Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in xaflada caleema saarkiisa ay ka soo qeybgalaan madax sarsare oo dalka balse illaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin inuu ka qeyb noqonayo Madaxweyne Farmaajo.

Img 4644
Img 4644
Img 4652
Img 4652
Img 4653
Img 4653
Img 4662
Img 4662
Img 4671
Img 4671
Img 4687
Img 4687
Img 4710
Img 4710
Img 4659
Img 4659
Img 4622
Img 4622
Img 4614
Img 4614
Img 4594
Img 4594
Img 4581
Img 4581

Img 4562