Galmudug oo warbaahinta ka mamnuucday tabinta wararka la xiriira Siyaasadda?

Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay in warbaahinta madaxa banaan aysan tabin karin wararka liddiga ku ah jiritaanka Maamulka Galmudug,sida warka loo dhigay.

Wareegtadan oo tixraac u yahay wareegto kale oo 30kii Bishii hore uu Xaaf, Galmudug ku geliyay xaalad deg deg ah ayaa lagu sheegay in iyada oo wareegtadaas la qadanayo aan la baahin karin wararka la xiriira Galmudug.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa wareegtadan ku sheegtay in isha kaliya ee wararka laga xigan karo ay iyada tahay islamarkaana Warbaahintu ay wasaaradda maraan.

Gal11
Gal11