“Waxa aan Ku Sigtay In Ay Dawladda I Xirto Galmudug-na La Afgembiyo” Xaaf

Madaxwaynaha maamulka Galmudug mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo kusugan magaalada Kismaayo ayaa saxaafadda u sheegay in uu ka badbaaday isku day afgenbi oo lala damacsanaa maamulkiisa.

Xaaf ayaa tibaaxay in uu ku sigtay in la xiro dawladda Soomaaliyana ay sidaas damacsanayd, wuxuuse sheegay in uu ka badbaaday oo uu diyaar u yahay in uu difaaco Galmudugta xaqqa ah sida uu hadalkiisa u dhigay.

Todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa ka jiray Galmudug xasarrad siyaasadeed oo u dhaxeysay dawladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug, maadaama dawladda federaalka ay lacago kusoo faraqday siyaasiyiin ay kamid yihiin Qoor Qoor iyo Axmed Shariif kuwaas oo isku dayay in ay xukunka kala wareegaan Xaaf.

Si kastaba ha ahaatee waxaa hadda hoos u dhacay saameyntii siyaasadda Galmudug, waxaana raadeerka la saaray dhanka iyo magaalada Kismaayo halkaas oo ay kusugan yihiin madaxda maamul goboleedyada, oo ka qayb galaya gogol uu fidiyay mudane Axmed Madoobe.