Nabad Sugidda Galmudug Oo Xabsiga Dhigay Ganacsade Gacan Saar La Lahaa Dawladda Federaalka

Ciidamada amaanka magaalada Cadaado ayaa xabsiga dhigay ganacsade Liibaan Shuluq kaas oo lagu eedeeyay in uu saameyn kulahaa dhibaatada kasocota magaalada Cadaado ee xarunta Galmudug.

Isagoo kasoo dagay diyaarad dhanka magaalada Muqdisho ka timid ayeey ku qabteen ciidanka nabad sugidda gaar ahaan kuwi si hoose kaga amar qaata Jeneraal Cabdi Cawaale Qaybdiid kaas oo ay isku jufo hoose yihiin.

Liibaan Shuluq ayaa sameeyay isku day uu ku baxsan rabay, balse ciidanka amaanka ayaa ka biya diiday oo wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in xitaa gacanta laga jabiyay sidii baad iyo laad loola socday.

Liibaan Shuluq oo si dhaw ula shaqeynayay kooxda Axmed Shariif ayaa magaalada Muqdisho waxa ay isku soo arkeen Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi, kaas oo ka codsaday in uu yareeyo isku dirka iyo sidoo kale burburinta maamulkaas curddinka ah ee Galmudug, balse shirkooda ka oo ka dhacay Hotel-ka caanka ah ee Sahafi ee magaalada Muqdisho ayaa mirro dhal waa’ kusoo dhammaaday, waxaana ay middaas keentay in Fiqqi iyo Qayb diid oo goobta wada joogay ay u diraan ciidan ku kooban jufada uu kasoo jeedo ee Reer Hilowle Sacad.

Isku Day badan ayeey sameeyeen ciidankii isaga dibadda kusugayay, balse waa ay ku adkaatay in ay kaga guuleystaan, hasa yeeshee hadda waxaa socda dadaallo lagu sii daynayo ganacsade Liibaan Shuluq, kaas oo gacan saar dhaw la leh dawladda Soomaaliya.