Muxuu Agaasimaha Laanta Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Ka Sameynayaa Magaalada Boosaaso?

Agaasimaha Laanta Socdaalka iyo jinsiyadaha dawladda Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa safar shaqo ku tegay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Koofi oo dhawaannahan safarro kala duwan ku bixinayay magaalooyinka dalka ayaa tegay Boosaaso si uu u hubiyo hawlaha ay heyso laanta socdaalka ee magaaladaas.

Airport ka Boosaaso oo kamid ah kuwa ugu wanaagsan dalka ayuu booqday, sidoo kale wuxuu lasoo kulmay mas’uuliyiin iyo cuqaasha gobolka Bari, kuwaas oo waxbadan kala socday hawlaha socdaalka ee magaaladaas.

Koofi ayaa bogaadiyay shaqaallaha u carbisan hawshooda ee kashaqeeya laanta socdaalka ee magaaladaas, wuxuuna kula taliyay in sidaas iyo si ka wanaagsan u wadaan hawlaha ay u hayaan shacabkooda.

Koofi ayaa dhawaan kasoo noqday safar shaqo dibadda ah kaas oo uu ku tegay dalal badan oo Yurub dhaca sida dalka Switzerland.

Haddaba Daawo Sawirrada

2 10 681x511 300x225

3 8 681x511 300x225