Ma Dhabbaa In Yuusuf Garaad Uu Si Weyn Ugu Xiran Yahay Cashirrada Sheekh Dabcasir? (Kashifaad Iyo Fadeexo)

Sheekh Cabdiraxmaan Xaaji oo ay Soomaalidu u yaqaanaan Sheekh Dabcasir ayaa kamid ah dadka ugu saameynta badan dhanka baraha bulshada.

Wadaadkan ayaa ka sheekeeya laba arrimood oo Soomaalidu ka hesho balse ceeb ay u taqaanno waana galmada iyo qabiilka.

Yuusuf Garaad Cumar waa wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, wuxuu sidoo kale kujiraa siyaasiyiinta ku waalan isticmaalka baraha bulshada, maadaama uu ahaa qof weriye ah oo saxaafadda waxbadan kusoo jiray haddana bulshay ah oo dad badan saaxiibbo kula ah baraha bulshada.

Balse xalaya ayaa la arkay isagoo daawanaya ama qayb ka ah saaxiibbada Sheekh Dabcasir oo ka hadlayay arrimo muhiim ah marka loo eego dadka ku xiran.

Facebook ga ayaa kuu sheegaya haddii qof aad saaxiibo tihiin uu kujiro dadka daawanaya, sida muuqata Yuusuf Garaad Cumar ayaa daawanayay muuqaalka Dabcasir, taas oo hadal hayn wayn ku ahayd baraha bulshada.

Haddaba hoos ka fiiri sawir muujinaya in Yuusuf Garaad uu  daawanayay Dabcasir