Ma Dhabbaa In Madaxwayne Farmaajo Uu Khadka Taleefoonka Kula Hadlay Dhiggiisa Masar?

Madaxwaynaha Soomaaliya MAxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa qadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Masar Cabdilfatax Al Sisi, waxaana ay ka wada hadleen sida ay sheegayaan warbaahinta Masar xiriirka qotada dheer ee u dhaxeeya labada dal.

Si Wanaagsan ayuu kaga hadlay wax yaabaha u qabsoomay xukuumaddiisa intii ay jirtay, sidoo kale wuxuu ku dheeraaday in wada shaqeynta kala dhexeysa Turkiga oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid cajiib ah.

Madaxwayne Farmaajo ayaa u mahadceliyay dalka Masar caawinta dhanka fasamada ee ay ciidanka Soomaaliya ka taageereen sidoo kale wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in la iska kaashada dannaha gobolka iyo kan caalamiga ah.

Si lamid ah Farmaajo wuxuu ka codsaday in Masar ay kala shaqeyso midnimada iyo qarannimada ummadda Soomaaliyeed, isagoona tibaaxay in ay taas muhiim u tahay gobolka Geeska Afrika iyo waddamada Carabta ku bahoobay.