Ciidanka Puntland Oo Toogtay Naaquude U Dhashay Dalka Iiraan

Ciidanka Booliska iyo kuwa Badda Puntland oo is kaashanaya ayaa soo qabtay dooni ay sheegeen in ay dileen naaquudihii waday oo ay saarnaayeen 18-shaqaalle u dhashay dalka Iiraan.

Cali Maxamed Xaashi oo ah teliyaha dekadda Boosaaso ayaa warbaahinta u sheegay in ay si sharci darro ah doonidan uga kalluumeysaneysay xeebaha Puntland, hasa yeeshee hawl gal ay ku qaadeen ay kusoo qabteenn.

“Howlgalkaan aad u jeedaan waxa weeye sida caadiga ahaydba ciidamada badda howlgalladii ku ilaalin jireen xeebaha ayuu qeyb ka ahaa, illaa iyo Qandala ayeey socdeen, waxay ilaalinayeen xeebaha dambiyada ka dhaca sida hubka sharcidarada ah, Tahriibta iyo gaadiidka sharci darada ku kalluumeysta intaba, dhammaan dambiyada ka dhaca xeebaha, waxaa lasoo qabtay doon kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iiraan oo ay kasoo qabteen Raas Xaafuun, waxay ku kalluumeysanaysay si sharcidarro ah, waxay waddaa 18 baxaari ah, waxaa dhacday in doontaasi markii la damcay in la joojiyo waxay isku dayday iney baxsato laakiin ciidanku gacan ayeey  ku dhigeen, rasaas ciidanku ku riday waxaa ku dhintey ninkii naaquuda ahaa, nin baxri ahna dhaawac fudud ayaa kusoo gaaray”

Ciidanka Amaanka badaha Puntland ayaa dhawr jeer oo horey gacanta ugu soo dhigay kalluumeysato sharci darro ah kuwaas oo si qalddan uga jillaabanayay xeebaha dalka Soomaaliya.