7; qof oo Odayaal,Askar iyo Al-shabab isugu jira oo lagu dilay Sh. Hoose

Shalay gelinkii dambe Rag ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Gaari ay la socdeen Odayaal marayay degaanka Xaawo Cabdi ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Weerarkaas waxaa ku dhintay 2; Oday dhaqameen iyo Askari,waxaana ku dhaawacmay Askari kale,iyada oo Ciidamada Al-shabaab ay rasaas ku fureen Gaariga ay la socdeen Odayaasha.

Intaas kaddib Maamulka Degaanka Lafoole ayaa Tilifoon u diray Ciidamada Milatariga ee deggan Xerada Laanta Buuro,waxaana ay u sheegeen in Rag ka tirsan Al-shabaab oo Gaari wata ay dad ku laayeen Xaawo Cabdi islamarkaana waddadaas ku baxeen.

Ciidamada Laanta Buuro ayaa jidka iyana u galay kuwii Al-shabaab ee weerarka ka geystay Xaawo Cabdi,waxaana halkaas ku dhintay afar ka mid ah Al-shabaab oo Gaariga saarnaa.

Ciidamada dowladda ayaa la wareegay Gaariga ay wateen xubnaha ka tirsan Al-shabaab,waxaana tirada dhimashada ee shalay galab ku dhimatay labadaas dhacdo ay gaareysaa 7 Qof.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose Cali Nuur Maxamed ayaa u sheegay Warbaahinta  in Ciidamada dowladda ay ku howllanyihiin xaqiijinta amniga Gobolka Shabeellaha hoose inkasta oo dhacdooyinka ka dhanka ah amniga ay ka dhacaan Gobolka.