5-Qodob Oo Hordhac Oo Ay Ku Heshiiyeen Madaxda Maamul Goboleedyada Ee Ku Shirraya Magaalada Kismaayo

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland kasocday shir ishaa falateys ah oo ay madaxda maamul goboleedyada ay kaga hadlayeen masiirkooda ku aaddan wada shaqeynta kala dhaxeysa iyaga iyo dawladda Dhexe.

Shirkan oo markii hore ay dawladda dood badan ka keentay ayaa ugu dambeyn u dhacay sidii la rabay, hasa yeeshee maanta ayaa la rejeynayaa in lasoo gaba gabeeyo oo laga soo saaro war murtiyadeed buuxa.

HAddaba waxaa jira shan qodob oo hordhac ah oo ay ku heshiiyeen madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira, waxaana kamid ahaa qodobada lagu heshiiyay.

  1. In la sameeyo madal iyo gole ay ku mideysan yihiin madaxda maamul goboleedyada.

  2. 3-In Hogaamiyayaasha maamulada ay iska dhex doortaan hogaan aan weli la qeexin waxa uu yahay.

  3. in Sannadkii mar ay kulmaan hoggaamiyayaasha maamullada gobollada dalka, si ay aayahooda uga tashadaan.

  4. in wax walba oo kasoo baxa shirkan lagu xaliyo khilaafka kala dhaxeeya dawladda dhexe.

  5. iyo in dawladda la ogeysiiyo wax walba oo looga hadlay shirkan.

Si rasmi ah ayaa loo soo saari doonaa marka uu dhammaado shirka qodobbada guud ay ku heshiiyeen madaxda maamul goboleedyada, balse kuwan waa hordhac