Waare “Hadii aan nagala tashan arrimaha Dastuurka, DF ayay u gaar tahay”

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay hadii aan lagala tashan shirka arrimaha Dastuurka wixii ka soo baxa in ay u gaar tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Dowladda Federaalka Soomaaliya in looga baahan yahay shirka Dastuurka in ay kala tashato Madaxda maamul goboleedyada, maadaama uu yahay arrimo masiiri ah oo saameyn ku leh mustaqbalka.

“Shirka Dastuurka dadka ay quseysay maanta halkan ayay wada fadhiyaan, Dastuurkaas socda hadaanan nala gula soo celin oo aysan gacanteena soo gelin, cidii ku tashatay iyo cidii saxiixday ayay u taalla fulinteeda.” Ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweyne Waare ayaa sidoo kale yiri “Masuuliyiinta sideedaba waxaa laga rabaa in ay maamulaan waqtiga, Daqliga, iyo kuwo kale si ay u soo baxaan waxyaabo guulo lagu gaari karo.”

Shalay oo la filayay in magaalada Muqdisho uu ka furmo Shirweynaha Qaran ee dib u eegista Dastuurka ayaa dib u dhac uu ku yimid, kadib markii Dowladdu ay sheegtay in cilado farsamo ay jiraan.