Sarkaal Ka Tirsan Wasaaradda Gaadiidka Oo Saakay Lagu Dhaawacay Muqdisho?

Dabley hubeysan ayaa saakay degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir ku weeraray sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya, kaasi oo uu dhaawac fudud ka soo gaaray weerarkaasi.

Sarkaalka ooo lagu Magacaabo C/laahi Sheekh Cumar “Israa’iil’ ayaa Rag ku hubeysanaa Bastooladu waxa ay ku weerareen gudaha degmadaasi Dharkenley, xilli uu ku sugnaa goob ganacsi oo uu ka qaadanayay Shidaal.

Mid ka mid ah Ehellada sarkaalkaasi oo la hadashay Warbaahinta yaa sheegtay in dhaawac fudud garabka uu ka soo gaaray, islamarkaana uu iska difaacay weerarka.

Waxaana ay shaaca ka qaaday in Raggii ka dambeyay dhaawaca sarkaalkaasi ay goobta isaga baxsadeen.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Dharkenley oo ku aadan weerarkaasi.

Balse muddooyinkii dambe ayaa waxaa degmadaasi ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka sida dilal qorsheysan oo ay ka dambeeyeen Rag ku hubeysnaa Bastoolado.