Haddaa loo hiilliyay hashii maandeeq !)

Waxaan aad uga mahad naqayaa Madaxweyne Axmed Islaaam sida taariikhiga ah uu uga shaqeeyay kulanka wada tashiga qaran uu iska xilsaaray si loo ilaaliyo qarannimada dalkeena.

Waxaan Sidoo kale uga mahadnaqayaa madaxda doowlad goboleedyada oo iyagana xil weyn iska saaray kaqaybgalka shirka wada tashiga qaran ee kafurmay Magaalada Kismaayo .

Soomaaliya uma baahna qof jecleysi iyo in lajibiyo shuruucda dalka uu leeyahay waana muhiim in dowladda dhexe ay muujiso midnimada ay muujiyeen hogaamiyayaashii matalayay shacabka maadama dalkeenu Federaal yahay .

Waxaan aad ugu dhiirri galinayaa madaxda shacabka wakiilka ka ah ee kusugan Magaalada Kismaayo in ay horseed unoqdaan horumarka dalka iyo uhiillinta sidii loo ilaalin lahaa shuruucda qabyada ah ee dalkeenu leeyahay.

(Haddaa loo hiilliyay hashii maandeeq !)

Mahadsanidiin Hassan Abdikadir Mudey.