AKHRISO:- Michael Keating oo Cadeeyay in Xaaf uu yahay Madaxweynaha Galmudug

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay arrimaha Somalia, Michael Keating, ayaa soo saaray warqad uu ugu jawaabayo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf isla markaana uu ku cadeeynayo in madaxweynaha Rasmiga ah ee Galmudug uu yahay Xaaf, kadib markii 30-kii bishii September uu madaxweynaha Galmudug waraaq u diray Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay arrimaha Somalia taasoo uga hadlayo arrimo kala duwan.

Warqadda oo ku qorneyd luuqadda Ingiriiska oo aan idiin soo turjumnay ayaa u qorneyd sida tan:-

“Waadku mahadsantahay warqaddaada ku taariikhsaneyd 30-ka September 2017 taasoo aad warbixin iiga siisay waxyaabaha ka socda Galmudug.

Si dhow ayaan ula socnay waxyaabaha ka socda, si qoto dheer ayaan u dhiiri galineynaa  dhammaan daneeyayaasha inay galaan wada hadal  wax dhisaya, taasoo xasilooni iyo nabad u keeni doonta Galmudug, si loo xaliyo arrimaha aad ka hadashay isla markaana aad u sameeysid xiriir adag oo suurta galinaya in dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada ay si wadajir ah u shaqeeyaan si horey loogu sii wado siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo in mudnaanta la siiyo arrimaha bini’aadminimada.

Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamiga ah waxay ka qeyb qaadanayaan dowladda federaalka  gudbinta fariintan.

Xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada waa mudnaanta ugu sareysa, waana mid guul u ah dadaalka dhismaha dowladnimada Somalia” ayaa lagu yiri warqadda uu jawaabta  jawaabta ah ee ergeyga xoghayaha guud ee qaramada Midoobay arrimaha Somalia u diray madaxweynaha Galmudug.

Ka sokoow warqadda Keating waxaa  meesha ka muuqata in Qaramada Midoobay iyo  beesha caalamka ay taageersan yihiin madaxweynaha Galmudug mudane Xaaf , taasoo meesha ka saareyso qorshaha ay dowladda federaalka ku dooneysay in meesha ay uga saarto madaxweyne Xaaf.

Hoos ka aqriso Warqadda oo luuqadda Englishka ku qoran:-