Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Ugu yaraan 3 Askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa lagu soo waramayaa in uu dhaawac ka soo gaaray Qarax loo adeegsaday bam gacmeed oo ka dhacay Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Goobjooge ayaa Warbaahinta  u sheegay in Kooxo hubeysan ay bam gacmeed ku weerareen Askar ku sugneyd Xaafada Jaamacadaha ee Degmada Hodan.

Waxaa intaasi uu ku daray in 3 Askari oo dhaawac ka soo gaaray Qaraxaasi, iyadoo raggii ka dambeeyay weerarka ay goobta isaga baxsadeen.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Weerarkaasi ka dhacay Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho .