Qarax Khasaaro Geystay Oo Ciidanka AMISOM Lagula Eegtay Degmada Qoryoolley

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Miino oo saacadihii la soo dhaafay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM lagula eegtay duleedka Degmada Qoryooley ee Gobolkaasi Shabeelaha Hoose.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in mid ka mid ah gaadiidka dagaalka Ciidanka AMISOM ay la kacday Miinada, islamarkaana waxyeelo ay ka soo gaartay AMISOM qaraxaasi.

Waxaana lagu soo warramayaa in ciidanka AMISOM howlgallo ballaaran ay ka sameeyeen halkaasi,  kadibna ay isaga dhaqaaqeen.

Dhinaca kale Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan, waxaana bartooda Internetka ay ku sheegeen in khasaaro xoogan ay gaarsiyeen AMISOM.

Inta badan dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro jid gal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan deegaanada Gobolkaasi Shabeelaha Hoose.

Xigasho Shabeelle Radio