Maxaa ka Jiro in u dib u dhacay Shirweynaha Qaran ee dib u eegista Dastuurka?

Shirweynaha Qaran ee dib u eegista Dastuurka oo lagu waday in maalinta berri uu furmo ayaa dib u dhac ku yimid.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa shaaca ka qaaday in shirka uu arrimo farsamo iyo lojistik uu dib ugu dhacay.

Shirkan ayaa qorshihiisa ahaa inuu socdo labo cisho oo ka bilaabata 8-10 October, iyadoo Muqdisho ay soo gaareen Ururada bulshada rayidka iyo dad ka yimid qurbaha oo lagu casuumay.

Xubnaha Maamul goboleedyada dalka ayaa qaadacay inay ka qeyb galaan shirka oo furmi lahaa maalinta berri oo Axad ah.

Sidoo kale Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa qaadacay ka qeyb galka, waxaana Guddoomiyaha Guddiga Cabdi Qeybdiid uu sheegay in shirkaas uu caqabad ku yahay geedi socodka arrimaha dib u eegista Dastuurka