Madaxwayne Xaaf Oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Kismaayo

Madaxwaynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe, Shariif Xasan, Xildhibaan Xiddig iyo mas’uuliyiin kale ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Wefdigiisa waxaa la socday xildhibaanno maamulkiisa iyo qaar kamid ah siyaasiyiin caan ah oo kasoo jeeda maamulka Galmudug.

Waa safarkii ugu horreeyay ee uu madaxwayne Xaaf galo tan iyo markii uu khilaafka ka bilawday maamulka Galmudug.

todobaadkan ayaa la filayaa in magaalada Kismaayo lagu qabto shir arrimaha maamul goboleedyada looga hadlayo oo uu soo qaban qaabiyay madaxwayne Axmed Madoobe.

Dib ayaan idin kala soo socod siin doonaa ama aan idinku soo gudbin doonaa sawirrada soo dhawaynta mudane Xaaf