Kenya Oo Xaqiijisay In Ay Dishay Saraakiil Sar Sare Oo Alshabaab Ka Tirsan Kuwaas Oo Lacago Badan Ay Horaan U Dul Dhigtay

Dawladda Kenya ayaa xaqiijisay in ay dishay dhawr sarkaal oo katirsan alshabaab ka ka dagaalama dalkeeda.

Bilihii lasoo dhaafay ayeey sheegeen sirdoonka dalka Kenya in ay ka takhaluseen saraakiil sar sare oo kooxdaas ka tirsan kuwaas oo xilli hore lacago badan ay dul dhigtay.

Lama shaacin magacyada saraakiisha la khaarijiyay, ha yeeshee waxaa lagu yiri war murtiyadeed kasoo baxay xukuumadda Nairobi in dib laga soo sheegi doono magacyada dadkii lagu dilay hawl galladaas.

Alshabaab ayaa saameyn wayn ku lahaa gudaha dalka Kenya tan iyo sannadkii 2011-kii xilligaas oo ciidanka dawladda Kenya ay gudaha usoo galeen dalka Soomaaliya, tan iyo xilligaas waxaa ka dhacay weerarro argigixisinimo, kuwaas oo lala beegsaday ganacsi iyo goobo kale oo ku yaalla gudaha dalkaas.

Wax war ah kama soo bixin alshabaab oo ku aaddan sheegayashada Kenya ee saraakiil sar sare ay ka dileen kooxda Jihaddistayaasha ah ee Alshabaab.