Jebiso Nin Cun Is Lahayd Oo Iyadii Hilibkeeda La Cunay (Sheeko Xiiso Badan)

Jebiso wayn oo lagaga raayay dagaal ay lagashay nin reer Indonesia ah ayaa markii dambe la qashay oo hilibkeedii la soshay.

Robert Nababan oo ah waardiye ayaa isaga oo socda ay geedo baar ah kaga soo baxday Jebiso. arrintaasina waxay ka dhacday degmada Batang Gansal Sabtidii.

Wararka qaarna waxay sheegayaan in Robert uu isku deyay in uu qabto jebisada oo dhererkeda lagu sheegay 7.8 mitir.

Way isku martay, ninkiina wuu la xarbiyay ilaa Robert uu ka dilay jebisadii isaga oo gacan ka helay qaar ka mid ah dadkii deegaanka.

Dhaawacyo halis ah ayaa soo gaaray waardiyihii.

Laakiin jabisadu nasiib ma lahayn oo inta meel laga laadlaadiyay si loo daawado ayaa markii dambana la qaysaday oo cadcad loo googoostay, ka dibna intay sosheen ayay cuneen.

Robert ayaa warbaahinta Detik ee dalka Indonesia u sheegay “waxaan isku dayay in aan qabto wayna i qaniintay markaasna waan la dagaalamay”

Ninkan 37 jirka ah ma uusan sheegin sababta rasmiga ah ee ku qasabtay in uu qabto jebisada, laakiin wuxuu sheegay in ay jireen dad tuulooyinkaas dagan oo ka mariwaayay aagaas.