Gudiyada Dastuurka iyo Ra’iisal Wasaare Kheyrre oo heshiis hor-dhac ah ka gaaray murankii Dastuurka.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Gudiga Dastuurka Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Gudiga Madaxa Banaan ee Dastuurka Soomaaliya kuwaas oo cabasho ka qabay wada-shaqeynta Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya Islamarkaana murankaasi sababay dib u dhac ku yimid Shirkii maanta ka furmi lahaa magaalada Muqdisho.

Shirka oo goor-dhaw soo dhamaaday ayaa la sheegay in la xaliyay Cabashadii ay qabeen Gudiyada maalmaha soo socdana la qaban doono Shirkii lagu balansanaa in uu maanta furmo balse Cabashada Gudiyada dartood u baaqday.

Gudoomiyaha Gudiga Isku dhafka ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya uu xaliyay cabashii ay qabeen wixii maanta ka danbeeyana ay filayaan wada-shaqeyn dhaxmarta Wasaaradda iyo Gudiyada Dastuurka Soomaaliya.