Guddoomiyaha Baarlamaanka Ethiopia Oo Iscasillay Iyo Sababta Oo Ah Mid Aad Loola Yaabo

Abadulla Gemeda oo ahaa guddoomiyihii baarlamaanka dalka Ethiopia ayaa warqadda is casillaadda kuwareejiyay guddiga fulinta ee ”Eprdf”, kaddib cadaadis joogta ah oo uu guddigaas kala kulmayay.

Mudane Gemeda ayaa sheegay in la gaaray xilligii uu talada baneen lahaa islamarkaana uu ku wareejinayo guddigaas si ay u raadiyaan cidda xigta ee isaga baddalaysa.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in guddoomiya dhawrkii bilood ee lasoo dhaafay lagu heystay kiisas arrimaha baarlamaanka ah kuwaas oo ugu dambeyn keenay in uu xilkiisa ku waayo.

Si kastaba ah ahaatee guddiga fulinta ee ”Eprdf” ayaa looga fadhiyaa geeddi socodkii lagu soo dooran lahaa guddoomiyaha baarlamaanka cusub muddada lixdkan maalin ee soo aaddan.