FIIRSO Sawirro: Xildhibaano lagu weeraray Jowhar iyo khasaare ka dhashay?

War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle lagu weeraray Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka.

Xildhibaanada la weeraray ayaa la sheegay inay ahaayen laba Xildhibaan, waxaana la xaqiijiyay in weerarkooda uu ka danbeeyay Askari ka tirsanaa Militeriga maamulka.

Xildhibaanada la weeraray ayaa wada saarnaa gaari nooca raaxada ah, waxaana la soo sheegayaa in rasaasta ay ka dhalatay khasaaro.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in mid kamid ah labada xildhibaan oo magaciisa lagu sheegay Faarax Maxamed Cismaan ”Gacaney” uu weerarka kasoo gaaray dhaawac fudud.

Xildhibaanka kale oo isna lagu magacaabo Maxamed Yuusuf Colow ayaa ka badbaaday rasaasta waxaana la xaqiijiyay inaanu waxba soo gaarin.

Ciidamo ka tirsan maamulka oo goobta gaaray ayaa halkaa ka xiray Askariga rasaasta ku furay gaariga ay saarnaayeen xildhibaanada waxaana lagu xiray saldhiga booliska magaalada Jowhar.

Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Yusuf Colow ayaa sheegay inuusan fahmi karin sababta uu askariga la doonayay in uu sugo amnigooda uu rasaasta ugu furay.

Dhacdadaani ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo ka dhacda magaalada Jowhar, waxaana iminka socda baaritaan lagu xaqiijinaayo askariga.

Weerar 2
Weerar 2

Weerar 1
Weerar 1