Dagaal Xooggan Oo Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Sida ay saakay sheegayaan dadka deegaanka nambar Lixdan ee gobolka Shabeellaha Hoose, xalayto deegaankaas waxaa ka dhacay dagaal ku bilawday madaafiic kaas oo u dhaxeeyay Alshabaab iyo ciidanka Dawladda Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa marka hore weerarka qaadday, waxaana xigay rasaas iyo dagaal fool ka fool ah oo u dhaxeeyay labada dhinac.

Masuuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa saxaafadda u xaqiijiyay in ay weerarkaas fashiliyeen sidoo kalena ay iska caabbiyeen kooxihii iyaga soo weeraray.

DHanka kale warbaahinta afka Alshabaab ku hadasha ayaa baahisay in dhawr meelood oo kala duwan ay kooxdaas weerarro ugu qaadday gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana kamid ah deegaanka Qoriyooleey ee gobolkaas, halkaas oo aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay weerar ka dhacay.