Al Shabaab Oo Soo Bandhigay Askar Ka Goosatay Maamulka Jubbaland

Xarakada Al Shabaab ayaa degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe  waxa ay ku soo bandhigeen Askar ka goosatay ciidamada maamulka Jubbaland, kuwaasi oo ku biiray dagaalyahannada Al Shabaab.

Illaa 4 asakari oo ay Al Shabaab sheegeen in ay goosteen maamulka Jubbaland ayay ku soo bandhigeen munaasabad ka dhacaday degmada Jilib ee Gobolkaasi Jubbada Dhexe.

Waxaana magacyadooda ay ku kala sheegeen:-

1:- Maxamad Isaq Nuur

2 :-Xasan Nuur Xuseen

3:- Xasan Abeyle Xoosh

4:- Cumar Yuusuf Muuse

Goobta lagu soo badhigay askartaasi ayaa waxaa ku sugnaa masuuliyiin ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Si kastaba ma’ahan markii ugu horeysay ee Al Shabaab ay soo bandhigaan askar ka goostay ciidanka Jubbaland, waxaana dhawaan isla degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ay ku soo bandhigeen askar ka goosatay maamulka Jubbaland, kuwaas oo isku dhiibay dhaqdhaqaaqa Al Shabaab

Xigasho:- Radio Shabeelle Muqdisho