Xildhibanaadii ku midoobay Xisbiga DALJIR oo Xisbiyo kala duwan ku biiray Xog?

Xildhibaano  gaaraya  sodomeeyo  ayaa horey  ugu mid ahaay Xisbiga  DALJIR ‘ balse  imanka  kala aragti duwanaan ka dib Xildhibaano  kooban ayaa isugu soo haray  Xisbiga DAJIR sida aan ilo wareedyo muhiim ah ku helnay.

Xildhibaano iyo siyaayiin ayaa  ku bahoobay Xisbiga  DALJIR , ka dib is faham waa soo kala dhex galay Xisbiga Alla sheekh’oo Hoggaanka ugu sareeyay dalka mar soo noqday.

Xildhibaanada ku midoobay  Xisbiga  DALJIR ayaa u badnaa ‘ beelaha Habar gidir iyo murusade  balse’ sida aan xogta ku heleeyno hada waxaa isaga baxay Xildhibaano laf dhabar u ahaay Xisbigaas kuwaasi oo ka soo jeeday Beesha Murusade.

Xildhibaanada ku midoobay magaca Xisbiga  DALJIR’ ayaa  siiyaay Cododkii ugu  badnaa ee uu ku soo baxay  Madaxweynaha talada haaya ee Somalia Maxamed Cabdullahi  Farmaajo , ka dib is garasho dhex martay xiligii uu ku jiray kaambeynka.

Axmed Macalim Fiqi oo ka mid ah lafdhabarka, Xisbiga  sababna u ah kala taga Xildhibaanada ku midoobay DALJIR ayaa ku hungoobay  heshiish horey u dhex maray xiligii u Musharaxa ahaay Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo u balan qaaday in uu ka dhigi doono R/ wasaaraha Somalia , balse taas ma suurta galin.

Xubnaha ka baxay Xisbiga DALJIR, ayaa ku biiray xisbiyada kala duwan sida DAMJADIID qaar  dib ula midoobay Alla sheekh  iyo Xildhibaano R/wasaare Khayre Xisbi uu leeyahay si hoose ugu biiray.