Xildhibaan Cabdiweli Qanyare Oo Ku Baaqay In DF Ay Ku Gacansiiso Galmudug La Dagaalanka Al Shabaab?

Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare oo u warramayay Warbaahinta ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ka aloosan deegaanada Maamulka Galmudug.

Mudane Cabdiweli Maxamed Qanyare ayaa hoosta ka xariiqay in Galmudug ay haatan ragaadiyeen dhibaatooyin Abaaro iyo Tafaraaruq xagga maamulka ah intaba, maadaama deegaanada Galmudug la isku yiraahdo ay ka jiraan Maamullo kala duwan.

Sidaas daraadeed ayuu ku baaqay Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare in la iska kaashado la dagaalanka Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay, islamarkaana ay dowladdu ku gacansiiso Maamulka Galmudug qorshahaasi.

Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare ayaa ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka  Labada Aqal ee laga soo doortay Galmudug, isagoo sidoo kale ka mid ahaa Xubno indhawaanahaan ku howlanaa xal u helidda xiisadaha siyaasadeed ee ka aloosan Galmudug dhexdeeda.