Waa Maxay Erayga Cabdikariin Guuleed Laga Hayo Ee Aysan Weligood Hilmaami Doonin Beesha Abgaal?

Madaxwaynihii Hore ee maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo kamid ahaa urur siyaasadeedkii Damul-Jadiid ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay qof hawiyenimada ay ku wayn tahay sidoo kalena siyaasadda waxbadan ku luglahaa.

Guuleed ayaa kamid ah saddex qof oo u tagtay Sheekh Shariif Sheekh Axmed xilligii doorashada, gaar ahaan wakhtigii wareegga labaad biririftiisa, markii uu tanaasulay Cumar Cabdirashiid uuna yiri isna hadal si ba’an u gubay Hawiye -ha oo ahaa guuxiina halka uu usocda ayaan garanay, oo uu ku durayay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.
Cabdikariin markii uu u yimid Sheekh Shariif wuxuu ku yiir “Cumar wuu tanaasullay, xaaladdana waad dareemi kartaa halka ay usocoto, ee hadda ayeey ka gaaris leedahay e kursigan uusan Hawiye dhaafin, waa laga shalleyn doonaaye,”
Markii uu Guuleed intaas yiri ayuu Shariif Sheekh Axmed isagoon ku qanacsaneyn ku yiri “Ma Xassan? Maya walley ka tahay, in uu soo noqdo,”
Waa hadal liita marka la fiiriyo maanta beesha ay beeshooda Hawiyaha ah ay joogaan, ma heystaan fursad wanaagsan, sidoo kale door muhiim ah kama ciyaarayaan kalkan siyaasadda, keliya waa kor joogto, waxaana middaas sabab u ahayd ficil uu walaalkiisa u qabo.

W/Q:- Xuseen Madoobe