Waa Maxay Caqabadda Ugu Wayn Ee Hortaagan Beesha Abgaal? (Faallo Min Bilow Illaa Dhammaad Dhibaatada Siyaasadeed Ee Ku Habsatay Beelaha Muddulood)

Tan iyo February sannadkan, beesha abgaal oo kamid ahayd beelaha ugu saameynta iyo mugga wayn Soomaalida ayaan siyaasadda doorkooda muhiimka ah ka ciyaarin sababa badan awgood.

Balse midda ugu wayn ee keentay in Abgaal uu shacab u ekaado waa siyaasiyiintooda oo gacantooda isku xiray xabsigana isku taxaabay.
inkabadan shan musharrax oo u dhashay beesha Abgaal ayaa sannadkan u tartamay doorashada madaxtinimo, sidoo kale laba kamid ah waxa ay soo gaareen wareegga ugu dambeeya ee doorashada, hasa yeeshee Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud mid kasta oo kamid ah wuxuu ahaa cadaw kan kale, taas ayaa keentay in uu xukunka ay gacantooda iskaga dhiibaan.
Waxaa la sheegaa markii la gaaray qaybtii labaad ee ay iskugu soo hareen Cumar Cabdirashiid, Shariif Sheekh Axmed, Farmaajo iyo Xasan islamarkaana uu tanaasulay Cumar Cabdirashiid isaga oo u daneenaya walaalkiisa ay Daaroodka isla yihiin ee Farmaajo, durba iyada oo la joogo goobta cod bixinta ayaa saddex qof oo uu kujiro Cabdikariin Xuseen Guuleed waxa ay u tageen dhiggooda Shariif iyagoo u sheegaya in kursigan uusan dhaafin Hawiye, uuna iska indha tiro xifaaltanka kala dhexeeya walaalkiisa Xasan Sheekh oo ay siyaasadda isku gaareen; hasa yeeshee Shariif ayaa ka biya diiday middaas isagoona ku yiri “Ma Xasanaa?!!!” haddaba waa Xasan ee ka xaa xaabi, maanta Abgaal siyaasadda saameyntii ay ku lahaayeen 8-bilood kahor malahan maqaamkoodana hoos ayuu u dhacay.
Farmaajo ma awoodo in beeshaas faca wayn uu hoos u dhigo, ilaa siyaasiyiintooda ay noqdeen kuwa calooshod la ciyaar caqligu ku yar yahay, taasna waxa ay fududeysay in si fudud loo dafiro loona yareeysto beesha Abgaal.

W/Q:- Xuseen Madoobe