Shil Gaari Oo Noociisa Aan Ku Badneyn Soomaaliya Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Balad-Wayne

Deegaanka Holi-moog ee duleedka magaalada Baladwayne warar naga soo gaaraya waxa ay sheegayaan in uu halkaas ka dhacay shir gaari kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay gaari nooca raaxada ah uu shil ku galay gaari dhiggiisa ah oo nooca xamuulka daabbula ah, taasna ay keentay in khasaaro nafeed uu geysto shilkaas.

Inta la xaqiijiyay Shilkan gaari waxaa ku dhintay Hal ruux Labo kalane weey ku dhaawacmeen kuwaasi oo la dhigay isbitaalka Beledweyne waxeyna warar la helayo sheegayaan in dhaawacooda aad u culusyahay.

Burbur waddooyinka ka jira iyo darawlada oo si xowli ah ku wada gaadiidka ayaa sabab looga dhigayaa soo laablaabashada shilalka gaari ee sababa khasaaraha nafeet iyo midka hantiyadeed.