SAWIRRO: Marxuum Badmaceeye oo maanta lagu aasayo Muqdisho

Meydka Marxuum Cismaan Cali Badmaceeye oo ahaa Janaraal ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya ayaa goordhow Saaladda Janaasada lagula dukaday Masaajidka Isbaheysiga Islaamka ee Muqdisho.

Salaadda Janaasada ee Marxuumka waxaa ka qeyb galay madax uu ka mid yahay Ra’isalwasaare Xasan Cali Kheyre iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Marxuumka ayaa lagu wadaa in lagu aasayo Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya oo ku taalla Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.

Jeneraal Badmaceeye ayaa ku geeriyooday Dalka Mareykanka,waxaana saaka la keenay Meydkiisa Magaalada Muqdisho,iyada oo inta badan isu socodka Magaalada hakad la geliyay.

Waxaa uu ka mid ahaa Ciidanka Milatariga Soomaaliya isaga oo marna Taliye ka soo noqday Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Mace 1
Mace 1
Mace 2
Mace 2
Mace 3
Mace 3
Mace 4
Mace 4

Mace 5
Mace 5