Munaasabad kooban oo lagu qabtay Xarunta Wasaarada Maaliyadda DFS waxaa ka qabgalay Wasiirka Maaliyadda Dr C/raxmaan Bayleh, Ku xigeenkiisa Prof C/llahi Shiikh Cali (Qaloocoow) iyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Md Maxamuud Xayir Ibraahim, masuuliyiin ka socotay Madaxtooyada, Xafiiska R/Wasaaraha, Xafiisyada Hanti Dhowrka iyo Garyacaanka Guud,Xisaabiyihii hore Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji) iyo Xisaabiyaha cusub Marwo Faadumo Cusmaan Faarax ayaa Xilka ku kala wareegay.





