Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Tuhunka Ay Dawladda Ka Muujisay Shirka Berrito Kismaayo Ka Furmaya?

hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka hadlay tuhunka dawladda Soomaaliya ay ka qabto shirka dhawaan ka qabsoomaya magaalada Kismaayo.
Horaan ayeey ahayd markii ay dawladda Soomaaliya ay walaac ka muujisay shirka heer federaal ee uu iclaamiyay Axmed Madoobe kaas ka dhacaya xarunta maamulkaas ee Kismaayo.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirka Kismaayo uusan dhibaato gaarsiin doonin dowlada Federaalka ah ee Somalia, balse uu yahay mid natiijada kasoo baxda maslaxad u ah dalka iyo dadka.
 
Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in shirkan beri furmaya uu yahay xal guud u ah ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay madaxda dawlad Goboleedyada inay la shaqeeyaan ilaaliyaanna anshaxa iyo kala dambeynta shirkaas.