Sawiro:- Maamulka Gobolka Banaadir oo Soo bandhigayo Barnaamijka (Made In Xamar)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa si rasmi ah u shaaciyay in maalinta Khamiis ilaa Jimcada oo ay taariikhdu ku beegan tahay 12 – 13 October lasoo bandhigi doono Barnaamijka uu fuliyey Maamulka ee loogu magac dara (Made in Xamar) oo loola jeedo (Waxaa lagu sameeyey Xamar).

Barnaaminjkaan oo ujeedkiisu ahaa in dadka farsamayaqaanada (Farshaxinistayaasha) ah lagu dhiira geliyo shaqadooda ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa waxyaabo kala duwan oo ay sameeyeen qaar kamid ah dadka ku nool Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ku sheegay in barnaamijkaas uu maamulka Gobolka Banaadir qabtay isla markaasna dhawaan lasoo bandhigi doono
Fiirso sawirada qaar kamid ah waxyaabaha lasoo bandhigi doono

22278799 10155690200352836 741720775 N 1

22290232 10155690200437836 637701879 N 620x330

22291870 10155690200842836 1917723602 N

22323074 10155690200582836 1244683116 N