Kadib Markii Shir ay Yeesheen Golaha Wasiirada Maamulka Puntland ayaa war-murtiyeed laga soo saaray gagabadii,iyagoona Inta badan shirka ugu hadlay Shirka ka furmaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubbada Hoose.
Golaha Wasiirada Puntland ayaa Shirka ku cadayay mowqifka ay Puntland ka qaybto shirkada maamul goboleeyada ee maalinta Axada lagu qabanayo Magaaladda Kismaayo.
War-murtiyeedka waxaa lagu sheegay in dowladda Puntland ay si buuxda uga qayb-qaadan doonto shirka Kismaayo.
Hayeeshee Labo Maalin ka Hor ayay aheyd markii madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiim Xaaji Cumar Camay uu jeediyay khudbad uu kaga hadlayay in puntland aysan ka qeyb gali doonin Shirka ka furmaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubbada hoose,Maadaama uu sheegay in aan Maslaxad ugu jirin dadka Soomaaliyeed shirka ka dhacaya Kismaayo.
Halkan ka Akhriso Warmurtiyeedka oo Dhameystitan Nuxurkana Waa Qeybta Dambe.