Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Kismaayo ku wajahan?

Wararka aynu ka heleyno Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya madaxweynaha Koonfur Galbeed uu u amba baxay Magaalada Kismaayo si uu kaga qeyb galo shirka madaxda Maamul Goboleedyada uu casumaadiisu leeyahay Madaxweynaha Jubbaland.

Xubno katirsan Maamulka Jubbaland oo loo xil saaray soo dhaweynta madaxda Maamul Goboleedyada ayaa ku sugan Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo si ay usoo dhaweeyeen Wafdiga Shariif Xasan.

Kolka uu Shariif Xasan Gaaro Magaalada Kismaayo waxa uu kulamo hordhac ah la qaadanayaa Madaxweynaha Jubbaland sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Maamulkiisa, waxayna kala qeyb galayaan Shirka Maalin kadib ka furmaya Magaalada Kismaayo oo Madaxda Dowlad Goboleedyada ay ku sheegeen in ay kaga soo saarayaan Go’aan ay ku mideysan yihiin oo Dowladda federaalka ula hor tagaan.

Isla Wararka Kismaayo ka imaanaya waxay sheegayaan in Xildhibaano iyo Wasiiro katirsan maamulkaasi oo ka gadooday Shirkan ay ka amba baxeen Magaalada Kismaayo, waxayna gaareen Degmada Doolow sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Jubbaland.