Shabeel dad ku dhaawacay Degmado ka tirsan Shabeelaha Hoose?

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhaawacntay degmada Wanlla-wayn ee gobalka Shabeelaha Hoose kadib weerar uu maanta halkaasi ku qaaday Xaywaanka loo yaqaano Shabeel sida ay noo xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta gobalka Ugu sareyso iyo dadka deegaanka.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in weerarkaas uu jiro dadka dhaawacmayna ay ka mid tahay gabar qabta dhaawac culus oo qeybaha sare jirka ka soo gaaray.

Mas’uuliyiinta Degmada Wanlla-wayn ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in aysan ogeyn sababta keentay in Shabeelka uu soo qaado weerarkaan.

Waa markii ugu horeysay uu weerarkaan ka dhaco degmadaasi waxaana la sheegay in la toogtay Shabeelkii weerarka soo qaaday.