Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Lagu Eedeeyay In Uu Leexsaday Raashin Gargaar?

Jamaal Cali Cabdulle guddoomiyaha deegaanka Far-libaax ee Gobolka Hiiraan oo la hadlay  Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in xubno ka tirsan maamulka Gobolka hiiraan ay Leexsadeen Raashin macaawino ah oo loogu talagalay dadka ay saameysay Abaarta ee ku dhaqan Gobolkaasi

Waxaana uu tilmaamay in arrimahaasi uu ka dambeeyo guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale guddoomiyaha deegaanka Far-libaax Jamaal Cali Cabdulle ayaa ugu baaqay Guddiga Gurmadka Abaaraha iyo madaxda maamulka Hirshabelle in musuqmaasuqaasi dabagal ay ku sameeyaan, maadaama la leexsaday Raashinkii loogu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Ma’ahan wax ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed in la leexsado Raashin  gargaar oo loogu talagalay dadka danta yare ee ku sugan gudaha Soomaaliya, waxaana arrintaasi had iyo jeer lagu eedeeyaa masuuliyiinta qaabilsan maamulida deeqahaasi Gacantooda ay ku soo dhacdo.