Howlagalo Xalay laga Sameeyay Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa xalay baaritaano xoog leh ka sameeyay degmada Wardhiigley ee gobalka Banaadir waxaana la sheegay in lagu soo qab qabtay Boqolaal dhalinyaro ah oo ku noolaa degmadaasi.

Howlgalka ayaa laga sameeyay Xaafadaha Xarar-yaale, Geed Jaceyl, Xaafadaha ku yaala Isgoyska Jid Mariixaanka meelo ka mid ah Bakaaraha iyo Meelo kale waxaana dadka lagu qab qabtay ay gaarayaan wax ka badan 100 qof inkastoo la sii daayay intoodii ugu badneed.

Howlgalkaan ayaa daba jooga baaritaano habeenadii la soo dhaafay ka socday degmooyinka gobalka Banaadir kuwaas oo la sheegay in lagu sugaayo amaanka Xaafadaha muqdisho oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhacayeen dilal ay geysanayaan Al-Shabaab.

ma jirto wax faah faahin oo ay Howlgalkaasi ka bixiyeen Laamaha amaanka iyo Mas’uuliyiinta degmada waxaana la filayaa in ay ka hadlaan saaacadaha soo aadan.