Dowladda hoose ee Muqdisho oo xiray Suuq Bacaad?

Ganacsatada Suuqa Bacaad ee Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka dhigay banaanbax ay ku diiddanyihiin amar ay soo rogtay dowladda hoose ee Muqdisho oo xirtay Suuq Bacaad.

Amarkan waxaa uu ka dambeeyay kaddib markii shalay Suuqa lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Minishiibiyada ee canshuurta ka qaada Suuqa.

Maamulka Degmada ayaa amray Ganacsatada in ay meel ku sheegaan ragga dilka geystay ama ay xiraan Suuqa,taas oo sababtay in suuqa Al-baabada la isugu dhufto.

Mid ka mid ah Ganacsatada Suuq Bacaad ayaa u sheegay Warbaahinta  in lagu amray in aysan suuqa furi karin ilaa 10 Maalmood,taasna ay Ganacsatada ka muujiyeen banaanbax ay saaka dhigeen.

Waxaa uu ku dooday Ganacsadahan in iyaga aysan shaqo ku lahayd amniga iyo Siyaasadda cidda dil geysatayna laga doonayo in ay qabtaan laamaha amaanka ee aysan ahayn in ganacsatada loo qabsado.

Waxaa uu sheegay in Dowladda hoose ugu hanjabtay ciddii Ganacsigeeda furta in lagu ganaaxayo lacag adag islamarkaana Xabsiga loo dhaadhicinayo.