Maxaa ka Jiro in Axmed Madoobe oo u Yeeray Xubnaha Aqalka Sare ee Laga Soo Doortay Jubbaland?

Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa u yeeray Xubnaha Aqalka Sare ee laga soo doortay Jubbaland.

Ujeedka Xubnahaan loogu yeeray ayaa lagu sheegay  ka qeyb galka shirka maamul goboleedyada ku yeelanayaan magaalada Kismaayo.

Ilo ku dhow dhow xubnaha Aqalka sare ayaa sheegaya in Madaxweyne Axmed Madoobe uu xitaa casuumaad u soo diray Guddoonka Aqalka sare iyo Guddiyada Joogtada, si ay talo uga yeeshaan shirka magaaladda Kismaayo.

Shirkaan oo bishaan Gudaheeda ka dhacaya magaaladda Kismaayo ayaa walaaca ugu badan waxaa qaba Dowladda federaalka Soomaliya, waxayna culees ku saaraysaa Guddoonka Aqalka sare in aysan ka qeyb gelin shirka Kismaayo.

Shirka Kismaayo oo qaban qaabadiisa ay bilaabatay ayay wararku sheegayaan in maanta oo Arbaco ah ay tagi doonaan wafuudii u horeysay oo ka socda Maamul goboleedyada.

Ujeedada shirkan ayaa lagu sheegay inuu yahay mid looga tashanayo, xalna loogu raadinayo khilaafkii ka dhashay go’aanadii iska horyimid ee Dowlad Goboleedyada qaar iyo Dowlada Federaalka ah ee la xiriiray Khilaafka wadamada khaliijka.