Kooxda Daacish Oo Weerar Culus Ku Qaadday Magaalada Boosaaso

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay xalay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ay ka geysteen kooxo hubeysan oo loo maleeyo in ay kamid yihiin kooxda Daacish ee ka dagaalanta maamulka Puntland deegaannada uu ka arrimiyo.

Taliye ku-xigeenka Saldhiga Baalade ee magaalada Boosaaso Laba-xidigle C/raxmaan Barre Saalax iyo dhawr qofood oo ka caweynayay goob lagu shaaho oo ku taalla isgoyska Afar irdood ee magaalaada Boosaaso ayaa ku waxyeeloobay weerarkaas.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in dad reyid ah ay ku waxyeeloobeen dhacdadaas oo ugu dambeyn boolisku ay sheegeen in ay baaritaan ku hayaan.

kooxaha weerarka geystay ayaa ku hubeysnaa baastoollado, waxaana lasoo sheegayaa in ay ka tirsanaayeen kooxda Daacish inkastoo aysan weli sheegan mas’uulliyadda weerarkaas haddaba waa dhacdooyinkii ay ka fullin jireen magaaladaas bilihii lasoo dhaafay.