Goorma la Caleema saarayaa Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle?

Maamulka Hirshabeelle ayaa qaban qaabinaya munaasibadda Caleema saarka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Xildhibaannada Maamulka Hirshabeelle ayaa Maxamed Cabdi Waare doortay 16kii Sept.2017,waxaana ilaa hadda la sugayay caleema saarkiisa.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe,ayaa lagu sheegay in munaasibadda Caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle ay dhaceyso 16ka Bishan October 2017ka.

Wareegtadan waxaa lagu casuumay Dowlad Goboleedyada,Dowladda dhexe,Ururrada Buulshada Rayidka ah iyo xubnaha beesha Caalamka ee jooga Soomaaliya.

22195396 1897717820255110 3839412403675959040 N
22195396 1897717820255110 3839412403675959040 N