GALMUDUG oo Khayre weerar culus ku qaaday Qoraal Cusub (Aqriso)

War saxaafadeed  ka soo baxay maamul gobaleedka Galmudug oo ku qoran luuqada  afka Ingiriiska ayaa maamulka Galmudug waxaa uu ku eedeyeen Ra’isul wasaare  Xasan Cali Kheyre in uu ka danbeeyo burburinta  Galmudug.

Waxaa ka mid ahaa eedeeymaha loo soo jeediyay R/W Kheyre, in uu isaga ka danbeeyay koox xildhibaano ah oo sheegay in aay xilka ka qaadeen madaxweynaha maamul gobaleedka Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Kheyre uu ku bixinayo hantidii qaranka in lagu burburiyo maamul dhisan iyo madaxweyne curdin ah oo xilka hayo wax ka yar 5 bilood.

Waxaa maamulka uu sheegay in falka foosha xun ee ku kacay R/W Kheyre, sida ay hadalka u dhigeen, aay horseedi doonto xasilooni darro siyaasadeed oo ka dhalata dalka Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa yimid  kadib markii maxkamadda sare ee Galmudug ay sheegtay inay sharci tahay xil ka qaadistii madaxda Galmudug oo uu ku jiro madaxweyne, inkasta oo Xaaf uu sheegay inaysanba jirin maxkamad sare.

Mahaan hoose ka aqriso war saxaafadeedka

C Gal
C Gal