Cabdiweli Gaas Oo Xilal Aan Muhiim Ahayn Magacaabay iyo Dad Badan Oo Saluugsan Arrinkaas

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxwaynaha maamulka Puntland ee Soomaaliya ayaa lagu magacaabay xilal cusub oo agaasimayaal wasaarrado u badan.

Wasaarradaha arrimaha gudaha, dawladda Hoose, hormarinta reer Miyiga, wasaarradda shaqada iyo shaqaallaha, ciyaaraha iyo dhallinyarada, iyo wasaarado kale ayaa lagu magacaabay digreeto kasoo baxday xafiiska Gaas.

Wareegtadan ayaa Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaa loo magacaabay Maxamed Cali Nuur “Jubba”, halka Agaasimihii hore ee Wasaaradda Cabdicasiis Nuur Cilmi loo magacaabay agaasimaha wasaaradda dhalinyarada, shaqada, Shaqaalaha iyo Sportiga ee Puntland.

Haddaba hoos ka akhriso warqaddii  wareegtada ahayd ee lagu magacaabay agaasimayaasha wasaarahada  Puntland.

Digreeto