Waa Maxay Heshiiska Ka Dhaxeeya Shirkadda Duullimaadka Ee Jubba Airways Iyo Madaxtooyada Villa Somalia

Xildhibaan Saciid Nuur Gariish oo kamid ah xildhibaannada qaranka, sidoo kalena leh ganacsiyada kale ayaa waxa ay dad badan iswayddiinayaan sababta ka dambeysa in Farmaajo uu u adeegsado Gariish beeshiisa Habar Gidir, kaddib dhacdooyinkii siyaasadeed ee ugu dambeeyay uu dalka galay.

Dhacdadii Bariirre ayaa ahayd meeshii ugu wayn ee lagu bartay mudane Gariish, maadaama uu sameeyay wax walba oo ay ku heshiin kareen beesha Habar Gidir iyo dawladda, xitaa waxaa la sheegaa in uu ahaa qofkii dammiintay lacagta magdhawga ah ee ay dawladda u ballan qaadday reerrihii ay ka dhinteen dadkii lagu laayay dhacdadii Bariirre.

Sidoo kale wuxuu dalaal aan la arag hadda ka yahay mawjadda siyaasadeed ee hadda ka jirta maamulka Hirshabeelle, inkastoo uu daaha gadaashiisa ka yahay haddana mar walba waxaa saameeyn mugleh ku leeyahay ujeeddooyinka Villa Soomaaliya ee Galmudug ku aadda.

Xildhibaan Gariish waa milkiilaha ama qofka iska leh saammiga ugu badan shirkadda duullimaadka Jubba Airways oo kamid ah shirkadaha ugu waa wayn soomaalida ee dhanka diyaaradaha ka shaqeeya.

Dhawr jeer oo horey ayeey iskugu dayeen in ay dawladihii dalka soo maray ay ka saxiixdaan heshiis dhigaya in iyaga (Jubba Airways) keliya ay qaadi karaan xujjeyda dalka oo idil ka baxeysa, baddalkana ay bixiyaan lacago waali ah oo ay ugu tallagaleen in qorshahaas suurta gelintiisa.

Dawladdii Xasan Sheekh Maxamuud ayeey usoo bandhigeen qorshahaas, hasa yeeshee Xasan waa uu ka indha laabtay Ganacsigaas “Keli suuq kunoqoshada” (Monopoly-ga ah).
Balse markii la doortay Farmaajo, Gariishna yahay xildhibaan katirsan Baarlamaanka ayeey fududaatay in uu dhaco heshiiskaas.

Inkastoo uusan weli dhicin heshiiska, haddaba xiriirka ka dhaxeeya labada dhinac waxa ay tahay in Jubba Airways ay dooneyso in lagu wareejiyo Xujjeyda dalka ka baxeysa muddo 10-ka sano ee soo aaddan, haddii uu heshiiskan dhaco waxa ay noqoneysaa ganacsi ku tagri fal ah oo uu raali ka yahay madaxwayne Farmaajo.

Sidoo kale xiriirka ka dhaxeeya madaxtooyada iyo shirkadda Jubba Airways waa wada shaqeyn iyo in Farmaajo Habar Gidir wakiil looga noqdo isna baddalka uu bixiyo wax walba oo uu awoodo ayna u baahan tahay shirkadda Jubba Airways.