Waa Kuma Ciyaariyahanka Kubbadda Cagta Ee Ka Xawaarro Badan 10- Xayawaan Oo Kawnka Ku nool? (Xog Dhammeystiran)

Xiddigga heerka caalami ee u dhashay dalka Germany Leroy Sane ayaa sameeyay rikoor lala yaabo kulan ciyaareedkii ugu dambeeyay ee ay kooxdiisa ka adkaatay dhiggeeda Chelsea kulan ka tirsan horyaalka EPL.

Xawaarre aad u sarreeyay ayuu ku dhaqaaqay daqiiqadihii ciyaartaas, waxaana uu noqday kamid ah xiddigaha ugu dhaqaaqa iyo xawaarreynta badan horyaalka dalka Ingiriiska.

 Leroy Sane clocked up the quickest speed in the Premier League this season

Sane ayaa muhiim u ahaa kooxdiisa kulan ciyaareedkii 1-0 ay dibadda kaga soo adkaadeen kooxda Antonio Conte; wuxuuna cararray 22.05 mitir saacaddii (mph).

Waxa ay ahayd cajiib! taas oo la micno ah in xiddiggii hore ee kooxda Schalke uu ka xawaarro iyo xawli badan yahay qaar kamid ah xayawaanka Diinaasoorka la yiraahdo oo kamid ah nafleyda ugu cimriga dheer kuwa kownka dul saaran.

Tyrannosaurus Rex oo kamid ah Diinaasoorrada ugu magaca dheer adduunka ayaa xawaarrihiisa lagu sheegaa 21mph saacaddiiba, isagoona dhawr ilbiriqsi ka dambeeya xayawaanka brown bears oo isna 21.7 mph saacaddii jari yaqaanna.

 At 22.05mph, Leroy Sane is officially quicker than a Tyrannosaurus Rex

Manchester City xiddigooda ayaa sidoo kale ka orod badan kana xawaarro badan sida caadiga ah, masaska dilaaga ah ee ku nool meerreeyayaasha kala duwan ee kawnka, kuwaas oo xawaarrahoodu ka yar yahay 20mph .

Sane oo shan jeer shabaqa la helay 10-kiisa kulan ee ugu horreysay dhammaan tartamada ayaa kujira qaab ciyaareed aad u wanaagsan, kaas oo ka caawin kara in loogu yeero, islamarkaana uu booska koobaad ka helo xulkiisa qaranka Germany.