Ururka Xaldoon oo Baaq ka soo saaray Xaaladda Waddanka
URURKA XALDOON.. 03.10.2017
Ururka Xaldoon wuxuu u taagan yahay u hiilidda had iyo jeer jiritaanka Ummadda soomaaliyeed, iyo dhawrista Dastuurka iyo shuruucdiisa,
si loo helo kala dambayn iyo is maqal taasoo keeni karta deggenaasho iyo nabad ku wada noolaasho ummadda dhaxdeeda iyo is aaminitaan dhab ah.
khilaafka khaliijka:
– Mowqifkii dowladda FS. ee ay ka qaadatay arimaha khaliijka ee ah dhax dhaxaadnimida.
– iyo Maamul goboleedyada qaarkood iyo siyaasiyiin oo iyana ku talinaaya in la raaco dhanka xulufada sida sacuudiga, imaaraadka, Baxrayn iyo Masar.
Ururuka Xaldoon:
isaga oo og in dhawrista iyo ku dhaqanka Dastuurku uu yahay waajib, kaasoo ah Hishiis Bulshadeed oo ay hishiis ku tahay ummadda soomaalkiyeed.
kaasoo lagu doorto hoggaanka dalka iyo dadka Maamula. kuwaasi oo mas’uuliyaddooda ay ku qeexan tahay Dastuurka.
ayna waajib tahay in lagu kala dambeeyo.
Mowqifka Ururka.
- in looga dambeeyo dowladda F. somaliya inta uu a woodda u siinaayo Dastuurka, ( a ) Arimaha Dibadda, ( b ) Gaashaandhigga. ( c ) Mamulidda Maaliyadda. ( d ) IWM.
- in Maamul goboleedyadana ay ku ekaadaan inta uu siinaayo Dastuurka Somaliya.
- in aan laysku xad-gudbin midba midka kale.
– in aan dowladnimada aan lagu xad gudbin.
Guddoomiyaha Ururka Xaldoon
Xuseen Maxamed Cabdulle ” Xuseen Wadaad ”
xaldoon1@hotmail.com